Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gedo: Kenya Oo Ku Durugtay Soomaaliya


Gedo, Somalia
Gedo, Somalia

Guddoomiyaha Beled Xaawo, Yuusuf Maxamed Cabdulqadir, “Yuusuf Gaandi” ayaa VOA-da u sheegay in Kenya ay qaadaneyso dhul Soomaaliya ay leedahay,

Dadka deggan degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ee Somalia ayaa sheegay in dawladda Kenya ay ku soo durugtay xadkii u dhexeeyey labada dal ee ku beegnaa inta u dhaxaysa magaalooyinka Beled Xaawo ee Somalia iyo Mandheera ee Kenya.

Mas’uuliyiinta magaalada Beled Xaawo iyo nabaddoono ayaa VOA u sheegay in dadka reer Kenya ee hawshan wada ay siibayaan calaamado muujinaya halka uu xadku ku egyahay, iyaga oo gudaha Somalia ku soo durkaya.

Guddoomiyaha degmada Beled Xaawo, Yuusuf Maxamed Cabdulqadir, “Yuusuf Gaandi” ayaa VOA-da u sheegay in Kenya ay qaadaneyso dhul Soomaaliya ay leedahay, oo ay tahay dhul doon.

Yuusuf Gaandi waxa uu sheegay inuu u maleynayo in qorshaha Kenya uu yahay in xadka dhulka ay la sinto kan badda, si labada xuduud ay isku waafaqaan, si ay taas uga saacido muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Nabaddoon Idiris Aadan Gaaroodi oo ka mid ah golaha guurta ee degmada Beled Xaawo, ayaa isna sheegay in Kenya ay wax ka bebdel ku waddo xuduuddii rasmiga ahayd ee u dhexeysay labada dal.

Xildhibaan Cabdulqaadir Orre Maxamed oo ka tirsan Guddida Amaanka iyo Maamulka ee Baarlamaanka dalka Kenya, ayaa sheegay inay soo gaadhay cabashadani, uuna kala hadlay dadka deegaanka.

Dadka Deegaanka ayaa ugu baaqay Dawladda Federaalka ah ee Somalia iyo weliba beesha caalamka inay soo faro geliyaan arrimahan.

Tallaabadan lagu eedaynayo Dawladda Kenya ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay weli taagan tahay dacwadda u dhexeysa labada dal ee ku aaddan muranka badda taas oo xilligan ka socota maxkamadda caalamiga ah ee ku taalla dalka Holland.

Arrintan waxaa warbixintan ka diyaariyey Ismaaciil Farjar.

Kenya oo Xadka Somalia Ku Durugtay Xadka Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:20 0:00

XS
SM
MD
LG