Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sababaha Qulqulka Muhaajiriinta Ee Yurub


Professor Matthew Gibney oo maadada siyaasadda iyo tahriibka khasabka ah ka dhiga Jaamacadda Oxford Univesity ee dalka Britain, ayaa sharxaya sababta dhabta ah ee ka dambeysa qul-qulka muhaajiriinta ee Yurub.

Qaaradda Yurub ayaa waxaa sanadkan oo kaliya soo gaaray in ka badan 700,000 oo qaxooti ah, waxaana la filayaa in sanadka soo socda ay tiradani laba jibaarmi doonto.

Dadkan qaxootiga ah badankood waxa ay ka imanayaan Bariga Dhexe, gaar ahaan dalalka Syria iyo Iraq oo dagaallo ay ka socdaan, waxaana dalalka Yurub ay weli isku dayayaan inay helaan hab lagu xakmeyn karo arrintan.

Dhanka kale, waxaa wali muuqata in qaaraddu ay ku kala qaybsan tahay soo dhoweynta qaxootigaasi iyo dib-u-dajinta loo samaynayo.

Magaalada Brussels, ayaa waxaa maanta ku kulansan madaxda dalalka Midowga Yurub oo xal u raadinaya sidii loo joojin lahaa qaxootiga wali qaaradda kusoo firxanaya iyo xal u helidda colaadaha ka jira dalka Syria.

Wariyaha VOA ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa arrimahan ka waraystay Professor Matthew Gibney oo maadada siyaasadda iyo tahriibka khasabka ah ka dhiga Jaamacadda Oxford Univesity ee dalka Britain – Warbixintan ayuuna noo soo diray.

Warbixinta Ridwaan Xaaji
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:28 0:00

XS
SM
MD
LG