Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saameynta Maskaxeed ee Dagaallada


Saameynta Maskaxeed ee Dagaallada
Saameynta Maskaxeed ee Dagaallada

Waa Barnaamijyo taxane ah oo ka hadlaya raadadka ay dagaalladu ku reeban maskaxda dadka.

Idaacadda VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo taxane ah oo ka kooban shan qeybood kuwaasoo ka hadlaya raadadka ay dagaalladu maskaxiyad ku yeeshaan dadyowga ku dhexnool.

Qeybta koowaad ee barnaamijyadan waxay ku saabsan tahay dadka rayid ee ku dhexnool goobaha dagaallada iyo saameynta ay dagaalladaasi ku yeeshaan maskaxdooda.

Qeybta labaad, waxay ka hadlaysaa raadadka dagaalladu ku reebaan ardayda iyo ganacsatada ku dhex nool dagaallada.

Qeybta saddexaad, waxay ku saabsan tahay weriyayaasha ka howlgala goobaha dagaallada iyo raadadka ay maskaxdooda ku reebaan colaaddahaasi.

Qeybta Afraad, waxay ka hadlayaa askarta iyo ciidamada ka qeyb-qaata dagaallada iyo maskaxiyan sida ay dagaalladu u saameeyaan noloshooda iyo maskaxdooda.

Qeybta Shanaad ee ugu danbeysana waxay ka hadlaysaa dhakhaatiir sharxaya cudurada maskaxda ee ay sababaan dagaalladu.

Barnaamijyadan waxaa soo diyaariyay oo soo gudbinaya Max'ed Colaad Xasan.

XS
SM
MD
LG