Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saamaynta Xariga Suxufiyiinta


Saamaynta Xariga Suxufiyiinta
Saamaynta Xariga Suxufiyiinta

Suxufi Cali Muuse Cabdi oo ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka digay afqabad lagu sameeyo xorriyadda saxaafadda Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa maalintii shalay ahayd xabsiga weyn ee Boosaaso ee lagu xiro dambiilayaasha u dhaadhiciyay Wariye C/fataax Jaamac Mire oo ah agaasimaha Idaacadda Horseed Media ee ku taalla magaalada Boosaaso.

Wariyaha waxaa xabsiga loo dhaadhiciyay maalin ka dib markii maxkamad ku taalla Boosaaso ay ku xukuntay 6 sano oo xarig ah iyo $500 oo ganaax ah.

Hay'ado badan oo u dooda suxufiyiinta ayaa cambaareyn u jeediyay xukunkaasi maxkamadda, iyagoo ku tilmaamay mid hareer maray sharciga caalamiga ee saxaafadda madaxa bannaan.

Cali Muuse Cabdi oo ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa VOA u sheegay in xukunkaasi uu u arko inuu dhibaato ku keenayo in warar sax ah laga helo dalka gaar ahaan Puntland.

XS
SM
MD
LG