Isku xirrada

War Deg-Deg ah

R/W. Sharmarke oo Gaaray Nairobi


R/W. Sharmarke oo Gaaray Nairobi
R/W. Sharmarke oo Gaaray Nairobi

Ra'iisal wasaare Sharmaarke wuxuu sheegay inuu Nairobi ku yeelan doono kulamo la xiriira dardargelinta dhaqaalaha ay u baahan yihiin ciidamada dowladda.

Ra'iisal wasaaraha dowladda kmg ah ee Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu sheegay inuu ku yeelan doono kulamo la xiriira arrimaha Soomaaliya.

Shir jaraa'id oo uu ra'iisal wasaaruhu ku qabtay magaalada Nairobi waxa uu ku sheegay in inta uu joogo Nairobi uu kulamo la qaadan doono mas'uuliyiin ka tirsan beesha caalamka iyo madaxda dalka Kenya.

Inta badan kulamada ayaa ku saabsanaan doona, sida ra'iisal wasaaruhu sheegay, in beesha caalamku ay dardar geliso dhaqaalaha ku baxaya ciidamada dheeraadka ah ee la keenayo Soomaaliya iyo tayeynta ciidamada dowladda.

Dr. Sharmaarke wuxuu yimid magaalada Nairobi, maalin ka dib markii uu hortegay baarlamaanka federaalka halkaasoo uu ka jeediyay waxqabadka xukuumaddiisa iyo hawlaha hor yaalla.

XS
SM
MD
LG