Isku xirrada

War

RW Gaas oo ka Hadlay Wada-hadalka Somaliland


Ra'iisal Wasaaraha DKMG ee Somalia Cabdiwali M. Cali-Gaas ayaa sheegay in xukuumaddiisa iyo ta Somaliland ayu wadahadli doonaan sidii dad walaalo ah oo Soomaali ah oo ka arrinsanaya horumarka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyey in Somaliland uusan caalamku aqoonsan, Soomaaliyana aysan aqoonsan, sidaasi darteedna aysan suurto gal ahayn in sidii labo dawladood ay u wada fariistaan.

Dhinaca kale, ra'iisul-wasaaraha ayaa Nairobi ku la kulmay madaxda Kenya, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid tahay weerarka ay Kenya sheegtay in weerari doonto Kismayo.

Ra'iisal Wasaaraha Somalia waxa wax laga weydiiyey waxa keenay in Kenya ay qeylo-dhaan u dirato bulshada caalamka markii ay sheegtay in taageero uga baahan tahay qabsashada magaalada Kismaayo.

Wareysiga oo dhan hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG