Isku xirrada

War Deg-Deg ah

R/W Cabdiweli oo Tallaabo ku Hanjabay


R/W Cabdiweli oo Tallaabo ku Hanjabay
R/W Cabdiweli oo Tallaabo ku Hanjabay

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa ka dilkii ka dhacay xerada Badbaado.

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Cabdiweli Maamed Cali, waxa uu sheegay in dowladdu ay tallaabo ka qaadi doonto dadkii ka dambeeyay rabshaddii ka dhacday xerada badbaado ee dhimashada sababtay.

Ra'iisal wasaaruhu wuxuu booqday xerada ay rabshaddu ka dhacday, waxana uu sheegay inay guddi u saareen oo gaar ah oo arrintaa wax ka qabta, isbedelna lagu sameynay maamulka iyo amniga xerada Badbaado ah xerada ugu weyn ee Muqdisho ee la dejiyay dadka ay abaaruhu barakiciyeen.

Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku dhimatay ka dib markii ay rasaas isweydaarsdeen rag lebistaa dharka ciidanka dowladda oo isku dayay inay dhac u geystaan raashiin gargaar ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ilaalo ka hayay raashiinkaasi.

Ra'iisal wasaare Cabdiweli waxa uu sheegay in dowladda KMG ah aysan aqbalayn in waxyeello loo geysto amma la bililiqeysto raashiin mucaawino ah oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu barakiciyeen.

XS
SM
MD
LG