Isku xirrada

War Deg-Deg ah

R/W Cabdiweli oo Puntland Tegay


R/W Cabdiweli oo Puntland Tegay
R/W Cabdiweli oo Puntland Tegay

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa gaaray magaalada Garowe ee Puntland.

Ra'iisal wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garowe.

Waa safarkiisii ugu horreeyay uu ra'iisal wasaaruhu ku tago Puntland, tan iyo intii uu qabtay xafiiska.

Ra'iisal wasaare Cabdiweli oo suxufiyiinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay tahay sidii ay wadashaqeyn u dhex mari lahayd dowladda federaalka iyo Puntland.

Xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka ayaa in dhowaalaba mugdi ku jiray, tan iyo markii ra'iisal wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali uu iska casilay xilka ra'iisal wasaarenimada.

XS
SM
MD
LG