Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia iyo USA oo Isku Haya Arrinta Syria


Russia, ayaa waxa ay iska fogeysay eedeymaha ku saabsan in duqeymaha diyaaradeed ee ay ka fulisay Syria ujeedkoodu ahaa bartilmaameedyo aan Daacish ahayn.

Russia, ayaa waxa ay iska fogeysay eedeymaha ku saabsan in duqeymaha diyaaradeed ee ay ka fulisay Syria ujeedkoodu ahaa bartilmaameedyo aan Daacish ahayn.

Wasiirka arrimaha dibedda Russia Sergei Lavrov ayaa suxufiyiinta ugu sheegay magaalada New York in wararka noocaas ah ay yihiin kuwo aan sal lahayn oo la isla dhexmarayo un.

Mar uu ka jawaabayey in qaar ka mid ah duqeymahooda ay ku dhaceen dad shacab ah, waxa uu sheegay inuusan waxba ka ogeyn arrintaas.

Lavrov, ayaa hadlayey kadib kullan uu arbacadii la yeeshey xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry, oo sheegay in milatariga labada dal ay maanta yeelan doonaan wada-hadallo ku saabsan sidii looga fogaan lahaa in labada dal ay isku dhacaan, inta ay weerarada ka geysanayaan Syria.

Arbacadii, ayaa xogahayha gaashaandhigga Mareykanka Ash Carter, waxa uu isaga oo jooga pentagon-ka sheegay in duqeymihii Russia ee Syria ay ku dhaceen bartilmaameedyo aan ahayn Daacish.

XS
SM
MD
LG