Isku xirrada

War

Riyadh: Xaaladda Madaxweyne Saalex


Riyadh: Xaaladda Madaxweyne Saalex

Riyadh: Xaaladda Madaxweyne Saalex

Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ayaa lagu sameeyay qaliin, isaga iyo xubno kale oo ku soo dhaawacmay madfac ku dhacay madaxtooyada

Boqortooyada Sacuudi Areebiya ayaa sheegtay in qaliin lagu guuleystay lagu sameeyay madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo madax ka tirsan dowladdiisa, kuwaasoo ku soo dhaawamcay madfac lagu riday xarunta madaxtooyada maalintii Jimcaha ahayd.

Ilaha caafimaadka ee dalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in Mr. Saalax xabadkiisa laga soo saaray biro yaryar oo ah firirkii madfaca.

XS
SM
MD
LG