Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rowlings: Awoodda Shabaab way Daciifeysaa


Rowlings: Awoodda Shabaab way Daciifeysaa
Rowlings: Awoodda Shabaab way Daciifeysaa

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Jerry Rowlings, ayaa sheegay in kacdoonka dadweyne ee ka jira Waqooyiga Afrika uu daciifinayo awoodda al-Shabaab.

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rowlings, ayaa sheegay in kacdoonka ka jira qeybo ka mid ah waqooyiga Afrika uu gacan ka geysanayo inay hoos u dhacdo awoodda ururada xagjirka ah ee ka dagaallama dalka Soomaaliya.

Mr. Rowlings ayaa sheegay in kacdoonkaasi uu hakad geliyay hub iyo lacago ka imanayay gobolkaasi oo lagu taageerayay ururada xagjirka ee Soomaaliya.

Mr. Rowlings oo ku sugan magaalada Addis Ababa, ma uusan magacaabin dal gaar ah oo hubeysanayay amma dhaqaale siinayay kooxaha Soomaaliya ka dagaallama.

XS
SM
MD
LG