Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Roobab ka Da'ay W/B Kenya


Gaadiidkii ay Roobabku Xayireen
Gaadiidkii ay Roobabku Xayireen

Roobab Mahiigaan ayaa ka Da'ay Gobolka Woqooyi-Bari ee Kenya Kuwaasoo Waxyeello Xaga Ganacsiga iyo Gaadiidka Ahba Sababay.

Roobab Mahiigaan ah ayaa ka curtay Gobolka Woqooyi-Bari, Kenya. Roobabkan oo da’ayey 24kii saac ee nasoo daafay ayaa hakad galiyey damaan isku socodka dadka iyo gaadiidka labadaba.

Magaalooyinka waaweyn sida Wajeer, Garrisa, iyo Mandheera ayaa la arkayey in baabuurtu ay si taxadar leh u soconayaan si ay u gaaraan bar-tilmaameedkoodii.

Roobabkani waxay raad ku yeesheen dadka qaxootiga ah ee kusoo barakacay gobolka Woqooyi-Bari, Kenya. Xeryaha Dhaxagley iyo Xaawo-Jubbe oo xerada Ifo ka tirsan ayaa lagu soo waramayaa in guryihii dhoobada ka sameysnaa ay burbureen, musqulihiina ay butaaceen kuwaasoo wel-wel xaga caafimaadka sababaya.

Waxaa kale oo daadkii qaaday bulukeetigii ama jaajuurkii loogu talo galay in guryo cusub lagaga dhiso magaalada Dhagaxley, isagoo roobkaasi, sidoo kale, waxyeeleeyey bakhaaradii, dukaamadii, iyo ganacsigii yar-yaraa.

XS
SM
MD
LG