Isku xirrada

War

Reneberger oo ka Hadlay Soomaaliya

  • Sahra Abdi

Reneberger oo ka Hadlay Soomaaliya

Reneberger oo ka Hadlay Soomaaliya

Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kenya ayaa shir jaraa'id oo uu maanta qabtay kaga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya.

Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kenya Ambassador Michael Reneberger ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Nairobi kaga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Ambassador Reneberger oo aan si aad ugu dheeraanin ka hadalka arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in xalka Soomaaliya uu ka iman karo Soomaalida.

Wuxuu sheegay in Maraykanka uu gacan siiyay hannaankii dib u heshiisiinta ee dalka Jabuuti ee lagu soo dhisay dowladdan KMG ah, sidaasi darteed dowladda KMG ah ee haysata aqoonsiga caalamiga waxaa waajib ku ah ayuu yiri inay taageerto hannaankaasi, ayna tixgelisaa maamullada ka jira dalka.

Ranneberger wuxuu kaloo sheegay in Maraykanku uu taageerayo hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Isagoo ka hadlay dhinaca amniga ayuu sheegay in kooxda al-Shabaab ay halis ku tagah ammaanka gobolka.

XS
SM
MD
LG