Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gilani:Dimuquraadiyadda waa iney Badbaadaa


Gilani:Dimuquraadiyadda waa iney Badbaadaa
Gilani:Dimuquraadiyadda waa iney Badbaadaa

Ra’isul Wasaaraha Dalka Pakistan ayaa u sheegay xildhibaanada dalkaasi iney kala doortaan Demuquraadiyad iyo xukun kaligii talis ah, waxaana hadalkaasi uu yiri xilli ay xasaradi ka dhex oogantahay dowladda Rayidka ah ee dalkaasi iyo Milatariga.

Ra’isul Wasaare Yusuf Raza Gilani ayaa Golaha Qaranka ee dalkaasi qudbad u jeediyay jimcihii shalay, isagoo u sheegay xildhibanada inay tahay in demuquraadiyaddu ay badbaado, iyadoo aan loo aaba yeeleeyn, natiijada ka soo baxday baaritaan ku saabsanaa – war murtiyeed aan saxiixneyn oo mareykanka lagu weydiistay, inuu gacan ka geysto xakameynta awoodda militariga Pakistan.

Mid ka mid ah Xulafada Madaxweyne Asif Cali Zardari, ayaa soo horgeeyay baarlamanka qaraar u balanqaaday kalsooni buuxda iyo aaminaad hogaanka siyaasadeed ee Pakistan. Waxaase ka hadalka qaraarkaasi dib loogu dhigay ilaa iyo maalinta isniinta ah ee soo socota.

Ra’isul Wasaare Gilani ayaa sheegay in qaraarka uusan ka soo horjeedin hay’ad ka mid ah kuwa dowladda, ay ku jiraan Garsoorka iyo Milatariga.

Waxa uu sheegay in hindisaha baarlamanka la horgeeyay uu taageerayo hanaanka demuquraadiyadeed iyo sii socoshada awoodda baarlamaaniga ah ee Pakistan.

XS
SM
MD
LG