Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rayaale oo Raali galin bixiyay


Madaxweynaha Somaliland ayaa raaligalin ka bixiyay hadal ka soo baxay UDUB oo ay ku sheegeen in doorashadii lagu shubtay.

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta shir jaraa'id oo uu ku qabtay Hargeysa raali galin buuxa ka bixiyay hadal shalay ka soo baxay qaar ka tirsan mas'uuliyiinta xisbiga UDUB, kuwaasoo sheegay in doorashadii lagu shubtay dhowr gobol oo ka tirsan Somaliland.

Madaxweyne Rayaale ayaa sheegay inuu ixtiraami doonno natiijada uu soo saaro guddiga doorashooyinka, wuxuuna balanqaaday in haddii talada lagaga guulaysto uu si nabad ah xukunta ku wareejin doono.

Qeybta hoose ee qoraalka ka dhagayso warbixinta weriyaha VOA Hargeysa Ismaacil Xuseen Farjar.

XS
SM
MD
LG