Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rajadii Africa ee Semi-finalka oo dhammaatay


Daqiiqadii ugu dambeysay ee nus saacii dheeraadka ayay Ghana ka faa'ideysan weyday Rigoore loo dhigay.

Ciyaarta Dhexmartay Ghana iyo Uruguay waxay ahayd tii ugu xiisaha badneyd tan iyo intii ay bilowdeen ciyaaraha koobka Adduunka. Goolka waxaa ku hormartay Ghana qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana u saxiixay ciyaaryahanka lambark 11aad ee Sulley Montari.

Hase yeeshee Waxaa la bareejeeyay qeybtii labaad ee ciyaarta. waqtigii caadiga ahaa ee 90-ka daqiiqo labada dhinac wey ismari waayeen. laakiin Ghana ayaa qarka u saarantay inay u soo baxdo ciyaarta semifanalka ka dib markii rigoore laga dhigay Uruguay.

Balse Ghana way ka faa'ideysan weyday ka dib markii uu Gyan oo laaday rigooraha uu birta sare ku dhuftay.

Rigoorihii caadiga ahaa ee lagu kala baxayeyna Gana waxaa laga qabtay labo darbo, Uruguay mid ayay khasaarisay inta kalena way dhalisay sidaasi ayayna ku badisay.

Ciyaar wanaaga marka la eego Ghana ayaa hogaanka u heysay.

XS
SM
MD
LG