Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul-wasaare Sharma'arke oo is-casilay


Ra'iisul-wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay jagadii ra'iisul-wasaarenimo ee dowladda KMG.

Ra'iisul-wasaaraha xukuumadda DKMG Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay jagadii ra'iisul-wasaarenimo, isagoo sheegay inuu tanaasulaad muujiyay si looga gudbo khilaafka hadheeyay madaxda DKMG..

Md Sharma'arke ayaa iscasilaadan ku dhawaaqay kadib kullan muddo socday oo uu xarunta madaxtooyada kula qaatay madaxweyne Shariif iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan.

Madaxweyne Shariif ayaa soo dhaweeyey is-casilaadda ra'iisul-wasaaraha, waxayna Is-casilaaddan ay soo afjaraysaa khilaaf muddo bilooyin ah socday oo u dhaxeeyay madaxweyne Shariif iyo Md Sharmarke.

Md Sharmaarke ayaa jagada ra'iisul-wasaarenimo loo doortay bishii Febraayo ee sanadkii hore ee 2009-ka.

Madaxweyne Shariiif ayaa si KMG ah jagada ra'iisul-wasaaraha ugu magacaabay C/waaxid Cilmi Cumar (Goonjeex) oo ahaa ra'iisul-wasaare kuxigeen, waxaana la filayaa in dhawaan uu madaxweynuhu soo magacaabo ra'iisul-wasaare cusub.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso Warbixinno iyo wareysiyo ka hadlaya is-casilaadda Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke.

XS
SM
MD
LG