Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo u Coddeysay Inay ka Baxdo Midowga Yurub


Warbaahinta UK ayaa sheegtay in aftidii la qaaday shalay ay dadku ku codeeyeen in UK ay ka baxdo Midowga Yurub. Natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaysa in kuwa taageersan in UK baxdo ay heleen 54% halka kuwa arrintaasi diidana ay heleen 48%.

Wali waxaa jira goobo la tirinayo codadka.

Natiijada aftida ayaa isla markiiba saameyn ku yeellatay suuqyada caalamka, gaar ahaa suuqyada Asia, waxaa hoos u dhacay qiimaha lacagta Pound-ka ee Britain isticmaasho.

Codeynta aftida waxaa ka qeybgalay 70%, waxaana ay u muuqataa in dadka intooda badan ay ka soo horjeedaan habka ay Midowga Yurub wax u maamusho oo ay aaminsan yihiin in awood badan ay ka qaadatay dadka Britain u dhashay.

Nigel Farage, oo madax u ah xisbiga madaxbannaanida UK, kana mid ah hoggaamiyayaasha ololaha ka dhanka ah Midowga Yurub waday ayaa sheegay in "23 June ay noqoto maalin taariikhi ah oo la mid ah maalinta xornimadeena".

Warkan waxaa London kasoo diray Ridwaan Xaaji Cabdi Weli

Britain oo ka baxday EU
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:39 0:00

XS
SM
MD
LG