Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaare Modi Oo Booqanaya Pakistan


Narendra Modi
Narendra Modi

Waa booqoashadii ugu horreysay ee uu halkaas ku tago ra’iisul wasaare Hindi ah in ka badan 10 sano.

Ra’iisul wasaaraha India, Narendra Modi ayaa booqasho aan horey loo shaacin maanta ku tagay dalka Pakistan, taasi oo ah booqoashadii ugu horreysay ee uu halkaas ku tago ra’iisul wasaare Hindi ah in ka badan 10 sano.

Modi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Bari ee Lahore ku qaabilay ra’iisul wasaraaha Pakistan Nawaz Shariif, waxaana labada hoggaamiye kadib diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay u qaaday goobta ay wada-hadallada rasmiga ah ku yeelan doonaan.

Labada hoggaamniye ayaa xiriir heer sare ah oo labada dal ay yeeshaan billaabay kadib markii ay si kooban ugu wada hadleen shirkii cimilada adduunka ee magaalada Pakistan.

Xiriirka labadan dal ee ku hubeysan hubka nukliyeerka ayaa ahaa mid liita tan iyo markii ay Pakistan ka go’day India 1947-kii, markaasi oo labada dalba ay xorriyad ka qaateen Britain.

Labada dal ayaa wixii markaa ka dambeeyey waxaa dhex maray saddex, oo laba ka mid ah ay ku saabsanaayeen gobolka lagu muransan yahay ee Kashmir, oo qeybna ay maamusho Pakistan, qeybna India, balse labaduba ay sheegtaan.

XS
SM
MD
LG