Isku xirrada

War

Ra'iisal Wasaare Farmaajo oo ka hadlay Colaadda Gelinsoor

  • VOA Somali

Ra'iisal Wasaare Farmaajo oo ka hadlay Colaadda Gelinsoor

Ra'iisal Wasaare Farmaajo oo ka hadlay Colaadda Gelinsoor

Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay inuu guddi u dirayo Gobollada Dhexe si ay uga qeyb qaataan daminta colaadda ka aloosan deegaanka Gelinsoor

Ra'iisal wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray colaadda ka aloosan gobollada Dhexe gaar ahaan degmada Gelinsoor deegaano ka tirsan.

Qoraal laga soo saaray xafiiska ra'iisal wasaaraha Jimcihii maanta ayaa lagu sheegay in ra'iisal wasaaruhu uu la kulmay odayaal, waxgarad iyo xildhibaano ka soo jeeda gobollada Dhexe oo uu kala hadlay sidii loo joojin lahaa dagaallada.

Waxaa kaloo war saxaafadeedka lagu sheegay in ra'iisal wasaare Farmaajo uu telefoonka kula hadlay hogaamiyeyaasha beelaha dagaalku u dhaxeeyo ee deegaanka Gelinsoor.

Xasilooni aan cago badan ku taagneyn ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ka jirto deegaanka Meer Cawleed ee gobolka Galguduud halkaasoo ay ka dhaceen iska horimaadyo sababay geerida ku dhowaad ilaa 20 ruux.

Dadka reer miyiga ayaa bilaabay inay deegaankaasi isaga barakacaan, cabsi dagaalo mar kale dhaca darteed, maadaama aysan jirin dadaal nabadeed oo muuqda.
Qaar ka mid ah waxgaradka beelaha dega gobolka Galguduud ayaa baaqyo nabadeed u jeediyay dhinacyada ay colaaddu u dhaxeyso.

Maamul beeleedyada ay ku abtirsadaan maleeshiyaadka dagaalamay ayaa midba dhanka kale ku eedeeyay mas’uuliyadda dagaalka.

Dagaalka sababay gacan ka hadalka ee dadka badan ay ku dhinteen ayaa salka ku haya muran dhul deegaameed.

XS
SM
MD
LG