Isku xirrada

War

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo Ra'iisal Wasaare loo Magacaabay

  • VOA Somali

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo Ra'iisal Wasaare loo Magacaabay

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo Ra'iisal Wasaare loo Magacaabay

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u magacaabay xilka ra'iisal wasaaraha cusub, Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u magacaabay xilka ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali oo sii hayay xilkaasi, tan iyo markii uu iscasilay ra'iisal wasaarihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafladda magacaabista waxay ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay goob joog ahaayeen guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ra'iisal wasaarihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiweli Maxamed Cali wuxuu ahaa wasiirkii qorsheynta ee xukuumaddii Farmaajo.

Wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanka Soomaalida ee qurbaha wax ku bartay, gaar ahaan dalka Maraykanka.

Ra'iisal wasaaraha cusub ayaa daqiiqado ka dib magacaabistiisa wareysi uu siiyay VOA-da waxa uu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay xilkan loo magacaabay, uuna ogyahay inuu yahay mid culus, soona dhisi doono xukuumad halkeedii ka sii wadda guulihii la gaaray.

XS
SM
MD
LG