Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado ka Dhacay Xerada Dhagaxley


Dhagaxley
Dhagaxley

Rabshado u dhexeeyay bilayska iyo qaxootiga Soomaalida ayaa maanta ka dhacay xerada qaxootiga ee Dhagaxley ee Kenya.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacmay rabshadahan.

Rabshadahan ayaa sida ay VOAda u sheegeen dad Somali ah oo goob joog ahaa waxaa ay ka bilaabmeen markii uu askari bilayska ka tirsani garaacay wiil Somali ah oo qaxootiga ka mid ah.

Banaanbaxyadii ka dambeeyay ee ay Somalidu isugu soo baxeena bilayska ayaa cirka u ridayay rasaas ay ku kala eryayaan iyo sunta dadka kaga ilmaysiisa.

Cabdilahi Maxamed Sheekh oo ka mid ah qaxootiga oo xeradaasina ku jiraty tan iyo 1992kii, ayaa VOAda uga waramay sidii ay rabshadahu ku bilaabmeen, waxaana uu tilmaamay in maanta oo Jimce ah ay ahayd maalintii labaad ee raashanka loo qaybinayay qaxootiga, waxaa dhacday in wiil soomaaliyeed oo ka mid ah dadkii raashinka qaadanayay ay boolisku garaaceen.

Wiilkaasi dhaawaciisa ayaa loo qaaday dhaawaciisa isbitaalka MSF ee ku yaalla xerada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in arrintaasi ay dhalisay rabashdo keenay in ay dadkii qaxootiga ahaa ay gubaan baabur ay leeyihiin booliska xerada ilaaliya.

Sidoo kale dadka qaxootiga ah ayaa gudaha u galay bakhaarada raashinka oo ay biliqaysteen.

XS
SM
MD
LG