Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado Ka Dhacay Goob uu Ka Hadlayey Trump


Isu soo baxa taageerayaasha Donald Trump, oo ah musharaxa madaxweynaha Mareykanka, ayaa waxaa arbushay dibad-baxayaal carreysan oo soo jebiyey xeendaab.

Tobaneeyo booliis ah ayaa uga digay dibad-baxayaasha inay ka fogaadaan goobta uu ka dhacayey isu soo baxa ee gobolka New Mexico, hase yeeshee cidna ma dhageysan.

Dibadbaxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ka mid ahaayeen “Trump waa fashiiste”, “Waan maqalnay wax nagu filan”, waxayna sidoo kale gubeen funaanado ay ku qoran yihiin hal ku dhigga Trump ee ah “Ka dhiga America mid weyn mar kale”.

Dhagxaan iyo dhalooyin ayaa sidoo kale la tuurayey, kuwaas oo waxyeello gaarsiiyey mid ka mid ah albaabaha xarunta Albuquerque Convention Center, oo isu imaatinka uu ka dhacayey.

Sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha ayaa gudaha u galay xarunta, ayaga oo arbushay hadalkii uu jeedinyey Trump.


XS
SM
MD
LG