Isku xirrada

War

Rabshaddo ka Dhacay Ceerigaabo


Rabshaddo ka Dhacay Ceerigaabo

Rabshaddo ka Dhacay Ceerigaabo

Rabshaddo u dhaxeeya taageerayaasha xisbiyadda Udub iyo Kulmiye ayaa ka dhacay Ceergaabo, dhowr qof ayaa dhaawac soo gaaray.

Magaalada Ceerigaabo waxaa maanta ka dhacay rabshado dhex maray taageerayaasha xisbiyadda Udub iyo Kulmiye ka dib markii uu magaaladaas tagay wafdi ka socda Xisbiga Kulmiye oo uu hoggaaminayo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

Gacan ka hadalkan dhex maray taageerayaasha labadaas xisbi ayaa waxaa dhaawacyo ka soo gaareen qaar ka mida dhallinyaradii ka qayb qaadanaysay, halka ugu yaraan hal qof ay xabbadi kaga dhacday garabka. Masuuliyiinta labadaas xisbi ayaa qoloba qolada kale ku eedaynaysaa masuuliyadda rabshadahan.

Dhacdo tan la mid ah ayaa iyaduna magaalada Burco ka dhacday muddo bil gudaheed ah, taasoo ay taageerayaasha labada xisbi ee UDUB iyo Kulmiye ay iskaga hor yimaaddeen.

Waxaa xusid mudan in ololihii doorashada Somaliland aan wali la bilaabin haddana dhaq-dhaqaaqyadan ay hogaamiyeyaasha xisbiyadu sameynayaan ay mararka qaarkood rabshado ka dhashaan.

Dhacdadan maanta ee magaalada Ceerigaabo ayaa imanaysa bil uun ka hor doorashada Somaliland oo ku beegan bartamaha bisha Juun ee foodda inagu soo haysa.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG