Isku xirrada

War

Rabshadaha Mozambique iyo Saameynta Ganacsiga


Intii ay ka socdeen dalkaasi rabshado la xiriira Sicirka cuntada oo sare u kacay ayaa waxaa burburin loo geystay goobo ganacsi.

Dad badan oo ka careysan sare u kac ku yimid cuntada iyo shidaalka ayaa dhowrkii maalmood uu dambeeyay rabshado ka sameynaya dalka Mozambique.

Dadka careysan waxay burburin u geysteen goobo ganacsi iyo gawaari oo ay sidoo kalena dab qabadsiiyeen.

Waxay rabshadahaasi markoodii hore ka bilowdeen caasimadda Mozambique ee Mobutu, hase yeeshee waxay hadda ku sii fideen gobollo kale oo uu ku jiro gobolka Malika.

Magaalada Shimoya ee gobolka Malika waxaa ku sugan ganacsato Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Aadan Xirsi Maxamed. Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu wuxuu ku sheegay in sicir bararka uu ka dhashay ka dib markii uu sare u kacay qiimaha sarifka doollarka oo labo jibbaar inka badan sare u kacay.

Wuxuu sheegay in arrintaasi ay hoos u dhac ku keentay ganacsigoodii.

XS
SM
MD
LG