Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshadaha Diimaha ee Nigeria


Ugu yaraan 120 qof ayaa ku dhintay rabshado iyo qul-qulatooyin cusub oo ka dhex-qarxay qowmiyadaha Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ee ku nool dalka Nigeria.

Saraakiisha ayaa sheegay subaxnimadii hore ee axada ay niman reer miyi ah ay oo ku hubeysan midiyo ay weerareen sadex tuulo oo u dhow magaalada Jos, kadibna dab qabadsiiyay guryahii halkaasi ku yaalay.

Weriyayaasha ayaa soo tiriyay ilaa maydka 100 qof tuullada Dogo Nahawa, iyadoo 18 kale oo mayd ah loo qaaday dhinaca magaalada Jos. Weriyayaasha qaarkood ayaa tirada dhimasha rabshadahan gaarsiinaya ilaa 200 oo qof.

Dad goobjoogayaal ay ayaa sheegay in dadka ugu badan ee rabshadahan ku dhintay ay yihiin haween iyo caruur.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay sidoo kale in ragga weerarkan geystay ayaa ka soo jeeda qowmiyadda muslimiinta, waxayna ka aargudanayaan rabshado horey u dhacay.

Hogaamiyayaasha Muslimiinta ee deegaankaasi degan ayaa sheegay in todobaadkii hore ay gudaha masaajid bur-bursan oo halkaasi ku yaala ka dhex heleen madax doofaar. Masaajidkaasi ayaa ka mid ahaa goobo bishii January dab la qabadsiiyay.

XS
SM
MD
LG