Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Raas Caseyr: Doon Kalluumeysi oo la afduubtay


Raas Caseyr: Doon Kalluumeysi oo la afduubtay
Raas Caseyr: Doon Kalluumeysi oo la afduubtay

Doonta afduubka loo geystay waxay ka mid ahayd doonyaha kalluumeysi ee ka dhex shaqeynta Baargaal iyo Mukulla.

Koox burcadbadeed Soomaali ah ayaa afduubtay dooni Kalluumeysi, xeebta deegaanka Raas Caseyr ee gobolka Bari. Ugu yaraan hal ruux ayaa lagu dilay oo shaqaalihii doonta ka mid ahaa oo Soomaali ahaa.

Doontaasi la afduubtay waxay ka mid tahay doonyaha kalluumeysiga ee ka dhex shaqeeya inta u dhaxeysa degmada Baargaal ee gobolka Bari iyo dekeda Mukulla ee dalka Yemen.

Afduubayaasha ayaa loo maleynayaa inay doontaasi u afduubteen si ay ugu isticmaalaan afduubka maraakiibta.

XS
SM
MD
LG