Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baay: Dadkii Barakacay oo Dib u soo Noqonaya


Dadka dib u laabanaya, ayaa sidoo kale billabaay in ay dalagooda dib u beertaan kaddib markii uu soo wanaagsanaaday amniga degmada iyo deegaannada ku hareeraysan

Dadweynihii hore uga barakacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa billaabay in ay dib ugu laabtaan degmadaasi, kaddib markii uu soo wanaagsanaaday amniga degmada iyo deegaannada ku hareeraysan.

Dadka dib u laabanaya, ayaa sidoo kale billabaay in ay dalagooda dib u beertaan.

Dhinaca kalena waxaa xaalado nolol xumo ay ku haysta degmaooyinka gobolka Gedo meelo ka mid ah dadkii hore uga barakacay degmada Baardheere xiligii ay dagaalada ka dhacayeen laba bilood ka hor, kuwaasi oo ku sugan degmooyin ay ka mid tahay Ceel Cadde.

Wararkii ugu dambeyey ee xaaladaha nololeed ee dadkaasi waxaa warbixintan kasoo diray Wariyaha VOA magaalada Baydhaba Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Warbixin Catoosh
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:01 0:00

XS
SM
MD
LG