Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qof Soomaali ah oo Fuliyey Weerarkii London


Haweeney Mareykan ah ayaa waxaa mindi ku dilay nin la rumeysan yahay inuu maskaxda ka xanuunsan yahay oo xalay weerar ka fuliyey magaalada London.

Weerarka mindida ah waxaa gaystay 19 jir haysta dhalashada dalka Norwey, asal ahaan waxaa uu kasoo jeedaa dalka Somalia.

waxaa uu dilay haweenay u dhalatay dalka Maraykanka, waxaa kaloo uu dhaawacay shan qof oo kale oo kasoo jeeda dalalka Britain, America, Israel and Australia.

Ninkan ayaa la tuhmayaa in uu qabay xanuunka dhimirka oo aanu wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada , booliska Londona waxaa uu sheegay in wali aysan jirin cadaymo muujinaya in weerarkan uu xiriir la leeyahay xagjirnimo, weerarkuna u muuqdo mid aan qorshaysnayn oo caadi ah.

Booliska hubaysan ayaa la wacay xalay 10:33 fiidnimo kadib markii ninkan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ee haysta dhalashada Norway uu toori ku weeraray dad ku sugnaa Russell Square, gaar ahaan beer lagu nasto oo ku dhow mid kamid ah goobaha weerarka argagixiso lagu qaaday sanadkii 2005.

Haweenayda u dhalatay Maraykanka ee u dhimatay weerarka mindida ah waxaa ay jirtay 60-meeyo sano, waxaana ay ku geeriyootay isla goobta waxyar kadib markii gurmad caafimaad isla goobta loogu fidiyay.

Qof kale oo dumar ah iyo sadex rag ah ayaa lagu daweynayaa cisbitaalka inkastoo sadex kamid ah ragga markiiba ay ka baxeen cisbitaalka oo dhaawacyadoodu ay sahlanaayeen.

“kaaliyaha taliyaha booliska ee London, Mark Rowley ayaa sheegay in shaqada ilaa hadda ay qabteen ay muujinayso in weerarkan uu gaystay qof qabay xanuunka dhimirka.

Waxaa uu intaasi ku daray Mark Rowley in ilaa hadda aysan helin wax cadayn ah oo muujinaya in ninkan la xiray uu lug ku lahaa argagixiso.

Booliska ayaa goobta weerarka uu ka dhacay soo gaaray 6 daqiiqo kadib , waxaana ay ninkan ku dhuftaan rasaasta cinjirka ah, kadibna waxaa loo taxaabay xabsiga isagoo lagu haysto dil.

Duqa magaalada London, Sadiq Khan, oo ah ninkii ugu horeeyay ee muslim ah ee gudoomiye ka noqdo magaalo madax ka tirsan dalalka galbeedka ayaa ku dhawaaqay in la muujiyo feejignaan, waxaana uu ugu baaqay dadweynaha London in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada booliska.

“Sadiq Khan ayaa sheegay in nabadgalyda dadweynaha London ay tahay shaqadiisa koobaad. Waxaana uu tacsi u diray ehelada dadkii dhibaatadu ay ka soo gaartay weerar Russelss square.

Saacado uun ka hor inta weerarkan aanu dhicin waxaa Taliyaha Booliska ee Britain uu sheegay in 600 oo ah booliis hubaysan ay ka howlgali doonaan guud ahaan magaalada London.

Weeraro argagixiso ah ayaa 7 July ee 2005 lagu qaaday London, waxaana weeraradaasi ku dhintay 52 qof. Mid kamid ah weeraradaasi waxaa lagu qaaday bas marayay isla xaafadda uu xalay ka dhacay weerarka toorida ah.

Maalmo ka hor ayaa maxkamadda Old Bailey ee London ay xabsi daa’in ku riday Muxuyadin Mire oo weerar noocan oo kala ah ka gaystay goob laga raaco tareenada oo ku taala bariga London. Ninkaasi ayaa markii hore la sheegay in uu qabay xanuunka dhimirka hase yeeshee waxaa kaloo lagu eedeeyay in weerarkiisii December dhacay ay ku lug lahaayeen kooxda ISIS.

XS
SM
MD
LG