Isku xirrada

Thialand: Qof loo Xiray Weerarkii Bangkok

Thai policemen take evidence at an apartment on the outskirts of Bangkok on Saturday, Aug. 29, 2015.

Thai policemen take evidence at an apartment on the outskirts of Bangkok on Saturday, Aug. 29, 2015.

Ra’iisal wasaaraha Thailand Prayuth Chan-ocha, ayaa maanta sheegay in ay la soo xirey qof looga shakisan yahay qaraxii dadka ay ku dhinteen ee bishii tagtay ka dhacay magaalada Bangkok ee xarrunta dalkaasi Thailand.

Chan-ocha, ayaa sheegay in eedeysanahan oo aan u dhalan dalka Thailand laga soo xirey gobolka Sa Kaeo oo ku yaalla xadka dalka Cambodia.

Weerarkii ka dhacay Bangkok 17-kii August, ayaa waxa ku dhintay 20 ruux, waxaana ku dhaawacmay boqol kale.

Saacado ka hor inta aanan la shaacin soo xiridda eedeysanaha, ayaa hoggaamiyaha ciidamada Thailand, waxa uu dadka ugu yeerey inay kala shaqeeyaan ciidanka sidii loo soo xiri lahaa dadkii ka dambeeyay weerarkaasi.

XS
SM
MD
LG