Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Yurub Ha Aqbasho 200 Kun oo Qaxooti

Antonio Guterres, Madaxa hay'adda UNHCR
Antonio Guterres, Madaxa hay'adda UNHCR

Madaxa hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga Antonio Guterres, ayaa Jimcihii maanta ugu baaqay madaxda Yurub inay qaadaan tallaabooyin xooggan oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka ka heysta dhanka dadka soo galootiga ah.

Antonio Guterres, ayaa ka dhawaajiyey in Yurub hadda un ay wajaheyso xilli adag, waxaana uu usheegay in kala qeybsanaan ku timaadda dhexdooda ay faa’ido u tahay dadka mukhallisiinta.

Codsigiisa ku aaddan in taageero dheeraad ah loo sameeyo dadka muhaajiriinta ah, ayaa waxa uu daba socdaa sidoo kale walaac uu qabo Reysal wasaaraha Hungary.

Viktor Orban, ayaa ka digaya in qul qulka dadkan uu sii xoogeysto ayna gaaraan buu yiri illaa tobannaan Milyan oo ruux.

Boqollaal kun oo dad oo ka soo baxsanaya dagaallada iyo saboolnimada ayaa safaro halis ah ku soo mara badaha iyo berigaba, kuwaas oo bartimaameedkooda yahay dalalka hore u maray ee Yurub, sida Jarmalka, si ay dadkaai u helaan goobo ammaan ah oo ay nolol cusub ka billaabaan.

XS
SM
MD
LG