Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo Xafiis ka Furatay Muqdisho


QM oo Xafiis ka Furatay Muqdisho
QM oo Xafiis ka Furatay Muqdisho

Qaramada Midoobay ayaa 17 sanno kaddib magaalada Muqidho maanta ka furatay xafiiska siyaasadda ee Soomaaliya qaabilsan.

Ergayga gaarka ah ee QM ee Soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa magaalada maanta tagay halkaasina ka furay xafiiska QM. Mahiga ayaa sheegay in furashada xafiiskan ay rajo cusub u keeni doonto dalka Soomaaliya.

Mahiga wuxuu sheegay in xafiiska uu ka caawin doono inay wadashaqeyn dhow la yeeshaan DKMG iyo hay'addaha gar-gaarka iyo walibva dadka Soomaalida ah.

Qaramada Midoobay ayaa xafiiskeeda u wareejisay Nairobi sannadkii 1995-kii sababo ay ugu wacnayd nabadgelyo xumida ka jirta Soomaaliya.

Qeybta hoose ka dhageyso warbixin ka hadlaysa furitaanka xafiiska iyo waliba Prof. Max'uud Guure oo falanqeynayo wuxuu macno ahaan xafiiskani soo kordhin karo.

XS
SM
MD
LG