Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: oo Meel Marisay Qaraar Ka Dhan Ah Syria


QM: oo Meel Marisay Qaraar Ka Dhan Ah Syria
QM: oo Meel Marisay Qaraar Ka Dhan Ah Syria

Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay qaraar ku dhaleeceynaya Syria xad gudubyo qorsheeysan oo baahsan oo ka dhan ah xuquuqul insaanka, oo ay ciidamadeeda geysteen, intii uu socday howgalka xoog ku maquuninta ah ee 11 bilood jirka ee ka dhanka ah kacdoonka mucaaradka .

Qaraarka ayaa waxaa ansixiyay 137 oo ka mid ah xubnood oo ka mid ah golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ee ka koobma 193 wadan ee golaha ku jira Qamiistii shalay.

Golaha ayaa ugu baaqay dowladda Madaxweyne Bashaar al-asad in si dhaqsa ah ay ku soo afjarto weerarada ka dhanka ah rayidka, waxaa sidoo kale goluhu uu meel mariyay qorshe Jaamacadda Carabta ay soo jeedisay oo ku baaqayay isbedel demuquraadi ah oo ka dhaca Suuriya, kaasoo faraya Madaxweyne Bashaar Al-asad inuu xukunka ku wareejiyo ku xigeenkiisa isla markaana uu soo dhiso dowladda Midnimo Qaran oo dalkaasi u diyaarisa doorashooyin si caalami ah loo kormeero.

11 wadan ayaa ka soo horjeestay qaraarka, oo ay ku jiraan dalalka ruushka iyo Shiinaha oo qaraarka midkan ka mid ah codka diidmada qayaxan ku hor istaagay Golaha amaanka Ee Qaramada Midoobay horaantii bishan.

Waxaa kaloo ka mid ahaa dalalka diiday Iran, Kuuriyada Waqooyi , Bolivia iyo Venezuela.


XS
SM
MD
LG