Isku xirrada

War

QM: Macluushii 3 Gobol ayay ka Baxday


QM: Macluushii 3 Gobol ayay ka Baxday

QM: Macluushii 3 Gobol ayay ka Baxday

Qaramada Midoobay ayaa sheeegtay in saddex gobol oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya ay ka baxeen heerkii macluusha ee ay ku jireen bilihii la soo dhaafay.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan falanqeynta cuntada iyo nafaqada ee FSNAU ayaa sheegtay in heerkii macluushu uu hoos u dhacay gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, laakiin ay xaaladda gobolladan ilaa bisha December sii ahaan doonto mid deg-deg ah. Hay'adddu waxay kaloo sheegtay in saddex goobood oo kale oo ay ku jirto caasimadda Muqdisho ay wali yihiin goobo ay macluul ka jirto

Hay'adda FSNAU waxay sheegtay in gar-gaarka bini'aadanimo uu caawiyay hoos u dhaca heerka macluusha ee gobolladan sidoo kale uu hoos u dhigay heerkii dhimashada.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in rubuc malyuun qof oo gobolka ku nool ay wali gaajo qarka u saaran yihiin.

QM sheegtay in tobbanaan kun oo qof ay dhintay tan iyo bishii April, isla markaana ay dhici karto in billaha soo socda ay dadka kale abaarta iyo macluusha u dhintaan.

XS
SM
MD
LG