Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Macluul ayaa ka Dilaacday Somalia


QM: Macluul ayaa ka Dilaacday Somalia
QM: Macluul ayaa ka Dilaacday Somalia

QM ayaa ku dhawaaqday in macluul ka dilaacday Bakool iyo Shabeellada Hoose, iyadoo laga yaabo inay fido haddii aan wax laga qaban.

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Arbaco ahayd si rasmi ah ugu dhawaaqday in qeybo ka mid ah Somalia ay macaluuli ka jirto.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in heerka nafaqada daradu uu gaadhay mid aad khatar u ah. QM ayaa hadda codsanaysa jawaab deg-deg ah si khatar looga xamakameeyo inay goobo kale ku fiddo.

Mark Bowden, isu-duwanaha arrimaha gar-gaarka Qaramada Midoobay ee Somalia, ayaa Nairobi ka sheegay in ku dhawaad kala bar dadka Soomaalidu (3.7 Malyuun) ay saamaysay qalalaasaha ka dhashay abaaraha ka dhacay koonfurta Somalia.

Dhinaca kalena, kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in hay'addaha gar-gaarku aysan wali soo gaadhin deeggaanadooda, waxayna mar kale ku celiyeen baaqii ay ku ogolaadeen in cid-walba ay gurmad gaadhsiin karto goobaha ay macluushu ka jirto ee koofurta Somalia.


XS
SM
MD
LG