Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Howlgalka Militari wuxuu Xaddiday Howlaha Gurmadka


Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhaqdhaqaaqa milatari ee ka soconayey dhowaanahan xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ay xaddidayso dadaalka gurmadka macluusha sidoo kalena dadka kasoo cararayana Soomaaliya ay ka hor istaagayso inay soo gaadhaan xeryaha Kenya.

Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Arbacada maanta in 100 qof oo kaliya oo ah qaxooti Soomaali ah ay toddobaadkii hore soo galeen Kenya, halka tododbaakdii ka horreeyey ay dadku dhammaayeen 3,400 qof.

Toddobaakdii hore ayaa dawladda Kenya ay ciidankeeda ku amartay inay galena Soomaaliya si ay u baacsadeen maleeshiyada ururka Al-Shabab oo ay Kenya ku eedaynayso inay ka dmabeeyaan afduubyada xad ka tallowga ah.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in diyaargarowga milatari uu cabsi ka dhex abuuray dadweynaha rayidka, ayna suurtogal tahay inay xaddiddo dhaqdhaqaaqa shaqaalaha gurmadka.

Q.M waxay sheegtay qiyaas ahaan 3.7 milyan oo Soomaali ah inay weli u baahan yihiin kaalmo bani’aadminimo kaidb macluushii ugu xumayd ee gobolka muddo tobannaan snao ah.

XS
SM
MD
LG