Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali la xaqiijiyay inuu dhintay shilkii Maka

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudi Carabiya, ayaa ka war bixisay khasaaraha dadka Soomaaliyeed ka soo gaaray shilkii toddobaadkii hore ka dhacay waddankaasi ee ay ku dhinteen tiro ka badan boqol ruux oo xujey ahaa.

Wiish kuwa wax lagu dhiso ah, ayaa ku soo dumay masjid ay ku sugnaayeen dad aad u fara badan oo xujey ah gudaha magaalada barakeysan ee Maka, halkaas oo ay ku dhinteen 107 ruux ayna ku dhaawacmeen in ka badan laba boqol oo kale.

Sii hayaha qunsulliyada Soomaaliyeed ee Jiddah, Md. Daahir Axmed Wehliye, ayaa VOA-da u sheegay in dadka dhintay uu ku jiray ruux Soomaali ah, lana la' yahay illaa iyo hadda wiil iyo hooyadii.

Daahir waxa uu intaas ku daray in ay shilkaasi ku dhaawacmeen seddex ruux oo kale oo Soomaali ah, waxaana dowladda Sacuudigu ay ku howlan tahay inay war dhameystiran ka soo saarto waxa rasmi ahaan keenay shilkaasi.

XS
SM
MD
LG