Isku xirrada

War Deg-Deg ah

13 Qof oo Ku Dhintay Qaraxyo ka dhacay Muqdisho


Qarax Muqdisho
Qarax Muqdisho

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku geeriyootay 17 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo maanta ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil dhinaca amniga ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in laba nin oo la tuhunsan yahay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ay baabuur ku qarxiyeen albaaabka hore ee garoonka laga galo.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa barteeda twitter-ka ku xaqiijisay in qaraxyadu ay ahaayeen laba qarax.

​Albaabka weerarka lala beegsaday ayaa waxaa inta badan isticmaala shaqaalaha garoonka.

Dadka dhintay ayaa u badnaa ciidamada amniga iyo shaqaale ka tirsan shirkad gaar ah oo dhinaca amniga ka shaqeysa, taasi oo ilaalisa shaqaalaha QM, sida ay wararku sheegayaan.

Madaxa isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho Duniya Maxamed Cali ayaa xaqiijisay in 17 qof oo dhaawac ah lasoo gaarsiiyey, qaarkoodna ay xaaladoodu liidato.

Illaa iyo hadda ma cadda haddii saraakiil ka tirsan QM ay ka baxayeen garoonka marka weerarka uu dhacay.

Wariyeyeenna Xuseen Barre Aaden ayaa xogta uu ka hayo qaraxyadaasi ka wareystay Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wareysi: Wasiirka Amniga Qaranka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:05 0:00

XS
SM
MD
LG