Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Nairobi


Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay Qaraxyo shalay ka dhacay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Saraakiisha Amaanka ee kenya ayaa sheegay inay aaminsanyihiin in qaraxyada ay ka dhasheen bambooyin kuwa gacanta laga tuura ah, oo lagu weeraray dad ku xoonsanaa goob laga raaco basaska, in kabadan 40 qof ayaa weeraradaasi ku dhaawacmay.

Weerarkan ayaa ah kii ugu dambeeyay kuwo isxig xigay oo noocan ah oo ka dhacay caasimadda dalka kenya ee Nairobi tan iyo markii, Kenya ay ciidamadeeda u dirtay Somaliya bishii October ee sanadkii hore, si ey ula dagaalamaan kooxda xiriirka la leh Al-qaacidaa ee Al-Shabab.

Baliiska ayaa soo xiray qof laga shakisanyahay wax yar ka dib markii uu weerarka dhaca. Ninka la soo xiray ayaa sheegtay inuu ka midyahay Kooxda Al-shabab.

XS
SM
MD
LG