Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo Dhowr ah oo ka Dhacay Dalka Thailand


Qaraxyo dhowr ah ayaa ka dhacay gobollo ku yaalla koonfurta dalka Thailand, kuwaas oo dilay afar qof, tobenaayo kalena dhaawacay.

Qaraxyada ayaa ka dhacay magaalada xeebta ku taalla ee Hua Hin, Jasiiradda loo dalxiiska tago ee Surat Thani iyo jasiiradda Phukat ee gobolka Koonfureed ee Trang.

Afhayeen u hadlay booliiska Colonel Krisana Pattanacharoen ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in qaraxyadan ay ka dambeeyaan koox arbushlayaal ah, balse aysan wax xiriir ah la lahayn ficillo argagixiso.

“Bambooyinka la qarxiyey ayaa ah isku day la doonayo in qas iyo jahwareer lagu abuuro” ayuu yiri madaxa milatariga Prayut Chan-o-cha.

“Maxay tahay sababta ay qaraxyada u dhacayaan xilli dalkeena uu u dhaqaaqay xasilooni iyo dhaqaale soo kobcaya”.

XS
SM
MD
LG