Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxii Ruushka oo La Cambaareeyay


Qaraxii Ruushka oo La Cambaareeyay
Qaraxii Ruushka oo La Cambaareeyay

Maraykanka, NATO iyo dalal kale ayaa ku tilmaamay weerarkaasi mid waxashnimo ah oo ka dhan ah dadka rayidka.

Cambaareyn caalami ah ayaa loo jeediyay qaraxii xalay loo geystay garoonka diyaaradaha ee ugu mashquulka badan magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Saraakiisha dalka Ruushka waxay sheegeen in weerarka bam ee loo geystay gegida diyaaradaha ee Domodedovo ay ku dhinteen 35 ruux, 168 kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha dalka Ruushka Dimitry Medvedev ayaa ku tilmaamay weerarkaasi mid argagixiso, wacadna ku maray in la soo qaban doono kuwii ka dambeeyay.

Russia waxaa soo gaareysa tacsi caalami ah iyo cambaareyn loo jeedinay weerarkii loo geystay.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka Robert Gibbs wuxuu sheegay in madaxweyne Obama uu weerarkaasi ku tilmaamay mid waxashnimo ah oo ka dhan ah shacabka dalka Ruushka.

Gaashaan Buurta NATO iyo dowladda Jarmalka ayaa iyaguna cambaareeyay weerarkaasi.

XS
SM
MD
LG