Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhimashada Weerarkii Muqdisho oo Korodhay


Qarax Muqdisho
Qarax Muqdisho

Tirada dadka ku dhintay qaraxii shalay ayaa sii korodhay sida ay idaacadda VOA u sheegeen saraakiisha dawladda Soomaaliya.

Qaraxa waxa uu ahaa mid uu waday qof ismiidaamiyey lagana soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa. Ugu yaraan 11 qof ayaa ila ahaatan la xaqiijiyey geeridooda, 22 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay Af-hayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan.

Dadka dhintay waxaa ku jira laba qof oo ganacsato ah oo midi yahay Soomaali, kan kalena u dhashay Falastin. Labadoodaba waxaa la sheegay inay haysteen dhalashada waddanka Poland.

Wakiilka Q.M. ee Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa weerarkaasi cambaareeyay. Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG