Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax lala Beegsaday Guddoomiyaha Mudug


Qarax lala Beegsaday Guddoomiyaha Mudug
Qarax lala Beegsaday Guddoomiyaha Mudug

Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland, Axmed Cali Salaad ayaa Maanta ka badbaaday qarax lagula beegsaday magaalada Gaalkacayo.

Guddoomiyaha ayaa markii uu qaraxu dhacay waxa uu ka soo baxay shir looga hadlay arrimaha Gobolka.

Qaraxan oo lagu sheegay in uu ahaa nooca la hago ee Remot-ka loo isticmaalo ayaan khasaaro u gaysan Gudoomiyaha iyo Ilaaladiisa oo xiligaasi gaariga saarna balse Burburiyay qaybo badan oo gaariga gudoomiyaha ka mid ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaawac uu ka soo gaaray qaraxaasi dad rayid ah oo aagga ka ag dhowaa.

Dhaawacyada ayaa u badan dhaawacyo fudud, marka laga reebo haweenay la sheegay in uu dhaawaceeda uu cusla.

Qaraxan ayaa soo celiayay walaaca ay dadku ka qaban qaraxyada laga fuliyo gudaha magaalada Gaalkacayo, oo muddooyinkan dambe aan magaaladaasi lagu arag.

XS
SM
MD
LG