Isku xirrada

War

Qarax lala Beegsaday Ciidamada AMISOM

  • VOA Somali

Qarax lala Beegsaday Ciidamada AMISOM

Qarax lala Beegsaday Ciidamada AMISOM

Qaraxa waxaa ciidamada AMISOM lagula beegsaday agagaarka kullaiyaddii Jaalle Siyaad, lamana oga khasaaraha soo gaaray.

Kolonyo ay la socdeen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta qarax miino lagula beegsaday magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa ciidamadu ku qabsaday agagaarka kulliyaddii hore ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Faah faahin lagama hayo in ciidamada AMISOM uu qaraxaasi khasaare ka soo gaaray iyo inkale. Ciidamada ayaa la sheegay inay rasaas fureen qaraxa ka dib, taasoo ay dad goob joogayaal ihi sheegeen in hal ruux uu ku dhintay labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadkaasi waxyeelladu ka soo gaartay rasaasta ay AMISOM furtay waxay ahaayeen rakaab la socday gaari dadweynaha qaada.

XS
SM
MD
LG