Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Pakistan oo Dilay 50 Qof


Qarax xooggan ayaa waxa uu maanta ka dhacay isbital ku yaalla magaalada Koonfurta Galbeed ee Pakistan ku taalla ee Quetta, halkaasi oo 50 qof ay ku dhinteen, in ka badan 60 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay badankood ayaa ah garyaqaanno, sida ay sheegayaan warbixinno horudhac ah.

Sarkaal sare oo booliis ah oo lagu magacaabo Zahoor Ahmed Afridi ayaa VOA u sheegay in dhowr qof oo booliis ah iyo laba shaqaale saxaafadeed ah ay ku jiraan dadka dhintay.

Qarax ayaa dhacay waxyar un kadib markii tobaneeyo garyaqaanno ah ay isugu soo baxeen isbitalka Quetta ayaga oo ka banaanbaxaya dilka guddoomiyaha qareenada oo toogasho lagu dilay aroor hore oo isla maanta ah.

Saraakiisha ayaa sheegaya inay u badan tahay in tirada dhimashada ay intan kasii badato maadaama in badan oo ka mid ah dadka dhaawaca ah ay xaaladoodu liidato.

XS
SM
MD
LG