Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiliga Doorashada Somalia oo la Xaddiday


Dawladda Somalia ayaa si rasmi ah u shaacisay xiliga la qabanayo doorashooyinka sanadkan 2016ka. Arrintan ayaa timid ka dib markii hogaamiyeyaasha Somalia ay ku guuldarreysteen inay doorashooyinka xiligoodii ku qabtaan, kaas oo ahaa bilaha August iyo September ee sanadkan.

Hadal uu Axadda maanta ah soo saaray Cumar Maxamed Cabdulle oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somalia ayaa lagu sheegay in doorashada madaxtinimo ee Somalia ay qabsoomi doonto 30ka bisha October.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada xubnaha Aqalka Hoose ay dhici doonto muddada u dhaxaysa 24ka bisha September ilaa 10ka October, iyada oo ta Aqalka Sarena ay qabsoomi doonto maalinta 25ka September.

Wufuud ka badan 14 kun oo ka kala socda qabiilada Soomaalida ayaa u codeyn doona xubnaha Aqalka Hoose ee baarlamaanka, halka maamul-goboleedyaduna ay soo xuli doonaan xubnaha Aqalka Sare.

Madaxweynaha hadda xilka haya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah tirada tobanka kor u dhaafaysa ee u tartamaysa xilkan oo ay dooran doonaan mudanayaasha cusub ee baarlamaanku.

XS
SM
MD
LG