Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay Masjid ku yaalla Kismaayo


Kismaayo
Kismaayo

Qarax bambaano nooca loo yaqaan (F1) ayaa ka dhacay masaajid ay wadaada Takfiirku ku leeyihiin gudaha Kismaayo.

Qaraxan bambaanno oo dhacay xilli lagu jiray salaadii cishaha ayaa la sheegayaa in masaajidka lagu soo tuuray. Masaajid ayaa ku yaalla xaafada Guul-Wadde ee Kismaayo.

Saraakiisha caafimaaadka ee Cisbitaalka Kismaayo ayaa VOA-da u xaqiijiyay in 12 qof ay ku dhaawacmeen qaraxan, balse waxaa soo baxaya warar is-qilaafsan oo ku saabsan dhimashada, Dadka qaar ayaa sheegay in 2 qof ay dhinteen, balse sarkaal caafimaad oo soo xiganaya wadaadada takfiirka ayaa beeniyay in qaraxaasi uu dhimasho dhaliyay.

Masaajidka ayaa waxaa maamula kooxda Takfiir oo ah wadaado gaar ah oo aan wax xiriir ah la lahayn bulshada inteeda kale.

Illaa hada ma jirto cid sheegatay inay qaraxaasi ka danbeeyeen.

Qaraxan masaajidka Kismaayo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xilli maalinimadii shalay ee (sabtida ahay), ay qaraxyo xooggan ka dhaceen gudaha masaajid ku yaalla magaalada Muqdisho. Qaraxyadaasi oo lala eegtay saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab, ayaa waxaa ku dhaawacmay Fu'aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah saraakiisha ugu sar-sareysa Al-Shabaab. Tirada dhimashada qaraxyadii masaajidka Muqdisho ayaa haatan gaadhay ku dhawaad 37 qof, ilaa 70 qofna way ku dhaawacmeen.

Kooxda Al-shabaab ayaa qaraxyaddii ka dhacay Muqdisho, waxay ku eedaysay waxay ku tilmaamtay caddow shisheeye.

XS
SM
MD
LG