Isku xirrada

War

Qarax ka Dhacay Magaalada Baydhabo

  • Mukhtaar Catoosh

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax uu galabta ka dhacay suuqa khudaarta ee magaalada Baydhabo.

Ugu yaraan 9 qof ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen qaraxa, iyadoo sidoo kalena 31 qof ay ku dhaawacmeen sida ay VOA u sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Goobjoogayaaal ayaa sheegay in qaraxan uu dhacay xilli ay suuqaasi marayeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG