Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Garoon Ciyaareed


Qarax ka Dhacay Garoon Ciyaareed
Qarax ka Dhacay Garoon Ciyaareed

Ugu yaraan 2 qof ayaa dhintay, toddobo kalena way dhaawacmeen kaddib markii qarax lala eegtay dadweyne daawanayay ciyaar ka dhacaysay garoon kubbada cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa qarxay waxyar ka hor markii ay bilaaban rabtay ciyaar final-ahayd oo dhexmari lahayd laba kooxood.

Dadka dhintay ama dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen dadkii ciyaarta u daawasha tagay.

Ciidamada amniga ee DKMG ayaa isla garoonkaasi ka soo saaray bambo aan qarxin oo lagu aasay meel ka mid ah garoonka.

XS
SM
MD
LG