Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Baabuur oo ka Dhacay Muqdisho


Qarax Baabuur oo ka Dhacay Muqdisho
Qarax Baabuur oo ka Dhacay Muqdisho

In ka badan 18 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax ismiidamin ah oo galabta ka dhacay meel u dhow Hotel Muna ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa waxaa lagu fuliyay baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday qof isa-soo miidaamiyay.

Dad badan ayaa ku dhaawacmay qaraxan oo ay ku jiraan saddex ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa maanta.

Hotel Muna waxaa sannadkii 2010-kii bishii August ka dhacay qarax ismiidaamin ah iyo weerar wadajir ah oo ay geysteen dad isa-soo miidaamiyay, waxaana weerarradaasi ku dhintay 32 qof oo ay ku jiraan 6 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG